Abiy Axmed: Itoobiya ma rabto in ay dagaal la gasho Ereteriya si ay bad u hesho

3
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa yidhi: “Itoobiya ma rabto in ay dagaal la gasho Ereteriya si ay marin badeed u hesho.”  Abiy ayaa meesha ka saaray dagaal laga cabsi qabay in uu labada dal ka dhex qarxo.

Sida ay baahisay Al Jazeera, waxa uu sheegay in gaadhitaanka Badda Cas ay muhiim u tahay dalkiisa aan badda lahayn, haddana ay rabaan in ay si nabad ah oo wadahadal ku dhisan ku gaadhaan.

Xiisadda cusub ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Ereteriya ayaa dhalatay kaddib markii dowladda Ereteriya ay abaabul ciidan oo ballaadhan samaysay, isla markaana labada dal ciidamadooda kusoo daadgureeyeen xuduudda ay wadaagaan.

Sida la sheegay, waddanka Ereteriya ayaa cabsi ka qaaday hadallo muddooyinkii dambe si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, kuwaasoo ay saraakiil iyo shacab Itoobiyaan ah ku sheegeen in Itoobiya ay xoog ku qabsan doonto dekedda Casab si ay u hesho marin badeed.

“Ereteriya waxa ka yaabiyay hiigsiga lunsan ee wakhtigiisu dhacay ee Itoobiya, kaasoo ay ku doonayso in ay xoog ama xeelad mid uun ku hesho marin iyo saldhig badeed,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane Gebremeskel, sida ay baahisay Al Jazeera.

Itoobiya ayaa horraantii sannadkii 2024 heshiis is-afgarad ah oo ay marin badeed ku helayso la gashay Somaliland, balse heshiiskaasi wuu burburay kaddib cadaadis kaga yimid dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka. Haddaba, shacabka Itoobiya ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan dekedda Casab ee Ereteriya, kaddib markii uu burburay heshiiskii Somaliland.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa wadahadallo ay ku doonayso marin badeed kula jirta Soomaaliya, inkasta oo Muqdisho ay sheegtay in aanay Itoobiya la geli doonin wax ka badan heshiis ganacsi.