AUSSOM oo war ka soo saartay weerarka madaafiic ee lagu qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho.

6

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa cambaareeyay weerarradii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyo xaafado ku dhow dhow Arbacadii.

Weeraradan aan loo meel dayin ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa hoosta ka xariiqaya sida cad ee Al-Shabaab ay u xaqirayaan nolosha bini’aadamka waxayna banaanka soo dhigayaan sida ay kooxdu uga quusaneyso cadaadiska joogtada ah ee kaga imaanaya ciidamada amaanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska AUSSOM.

Sivuyile Bam, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna Ku-simaha Madaxa AUSSOM ayaa yiri “Waxaan si adag u garab taagannahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo ammaan waarta.”

“AUSSOM waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dhibanayaasha waxayna u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay.” ayaa lagu yiri qoraalka.