Imaaraatka oo Si Xoogan u Canbaareeyay Isku Dayga Dilka ee Xasan Sheekh

4

Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa si xooggan u canbaareeyay isku dayga dilka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sheekh Shakhbut bin Nahyan Al Nahyan, Wasiirka Dowlaha ee Isutagga Imaaraatka Carabta, ayaa sheegay in Imaaraatka ay si adag u canbaareeyaan falalkaas dambiyada ah, isla markaana ay si joogto ah u diidan yihiin dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada, kuwaas oo lagu wajaho burburinta amniga iyo xasiloonida, iyadoo lagu xadgudbayo sharciga caalamiga ah.

Sheekh Shakhbut ayaa sidoo kale muujiyay taziyaad dhab ah iyo samir toos ah oo loogu dirayo dowlada iyo shacabka Soomaaliya, gaar ahaan qoysaska ay khuseyso dhibaatada argagixisada, isagoo u rajeeyay dadka dhaawacmay in ay si degdeg ah uga bogsadaan.