Qaraxa ayaa lala beegsaday mid kamid ah gaadiidka dagaalka oo marayay nawaaxiga tuulada Tasjiic ee gobolka Bari. Ugu yaraan lix askari ayaa lasoo warinayaa inay ku geeriyoodeen qaraxan, halka tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay. Waxaa la tuhunsan yahay in kooxda Daacish oo maalmahaan wajahayay guluf dagaal oo kaga imaanayay ciidamada Puntland, ay ka dambeeyaan weerarkan.
Laba maalmood kahor, masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa booqday deegaanka Tasjiic si ay bulshada deegaanka uga soo uruuriyaan taageero xoolo ah oo loogu talagalay dhiirrigelinta ciidamada amniga ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland ayaa horey ula kulmay qaraxyo inta ay ku guda jireen howlgallada ka dhanka ah Daacish. Si kastaba ha ahaatee, qaraxan ayaa noqday midka ugu khasaaraha badan ee ay ciidamadu la kulmaan dhowaanahan.