Jubland oo shaaca ka qaaday in ay qabatay Taliyihii Ciidanka DFS ee Raskambooni

57

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Taliyihii hoggaaminayay ciidamada  ee la geeyay Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

War Qoraal  ah oo lagu baahiyay Jubland Tv ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamada  dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada  DFS  ee ka tagay Raaskambooni ka dib dagaal Culus oo  halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Jublabd  ayaa qaarkood ka  gudbay xadka Kenya   halkaasna iska dhiibay.