Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jubaland (GMMJ) ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Jubaland.
Magacaabidda guddigan ayaa yimid kadib markii Golaha mucaaradku ay ka horyimaadeen waxay ugu yeereen, Maroorsiga doorasho ee lagu eedeeyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.
Golaha Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in guddigan oo ka kooban 7 xubnood ay hoggaamin doonaan howlaha xuduudaha iyo doorashooyinka.
Waxay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka Jubbaland in ay fududeeyaan soo xulista xubnaha baarlamaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii mucaaradka Jubbaland ay su’aal galiyeen kalsoonida guddiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu magacaabay ay ku maamuli karaan doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhawaan dhacdo.
Doorashadii 2019, sidaan oo kale ayaa la isugu khilaafay doorashada Jubbaland, taasoo markii dambe sababtay in Axmed Madoobe uu la heshiiyo siyaasiyiintii kasoo horjeeday, isagoo qeyb ka siiyay golihiisa Wasiirrada.