Wasiirka Batroolka Soomaaliya: Deni wuxuu doonayay in shirkad isagu keensaday ay sahmin ka sameyso Puntland waana ka diidnay

5

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku eedeeyay inuu hor istaagay in sahmin shidaal laga sameeyay degaanada Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Deni uu la yimid shirkad uu isagu si qaas ah u doonayay in degaanada Puntland ay ka samayso sahminta. Wuxuu sheegay arrintaas inay dowladdu diidday, isagoo sheegay in dowladda dhexe ay tahay cidda masuulka ka ah dalka iyo kheyraadkiisa.

Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweyne Deni uu doonayo inuu siyaasadeeyo wanaagga iyo horumarka ay dowladdu sameynayso, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in sawir si qaldan hawada u galay uu u yeelo suurad xumayn ka dhan ah dadaalada dowladdu ku doonayso in dalka shidaal looga saaro, si uu u gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay inay qaadato wixii qalad ah oo dhacay, laakiin wuxuu sheegay in aysan joojin doonin cid kaste oo doonaysa inay hagar daamayso horumarka socda.