Wafdi ka socda Turkiga oo horudhac u ah markabka sahminta shidaalka oo lagusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho

6

Wasiirka Batroolka iyo Macanta xukuumadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga, Musa Heybet, iyo wafdi horudhac u ah Markabka sahminta shidaalka ee la filayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho maalinta berri ah.

Sahminta shidaalka ayaa qeyb ka ah iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo diiradda saaraya baarista iyo sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Iskaashigan uu xoojin doono xiriirka labada dal iyo fursadaha horumarineed ee dalka.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa dhinaca kale uga tacsiyeeyay Wasiir Heybet geerida muwaadiniinta Turkiga ee ku naf waayay weerarkii ka dhacay magaalada Ankara.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay si buuxda ula qeybsanayaan Turkiga xanuunka iyo murugada ka dhalatay weerarkaas” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay ee burburkii kadib Soomaaliya ka sameynaya shidaal baaris rasmi ah. Wuxuu Soomaaliya usoo diray Markab cilmi baaris ku sameynaya goobaha loo asteeyay in shidaalka laga baaro.