Trump oo Ingiriiska ku eedeeyay fara gelin doorasho dacwadna ka gudbiyay

6

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa beeniyay faragelin la sheegay in xisbigiisa Labour-ku uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka.

Ololaha Trump ayaa gudbiyay dacwad sharci ah oo uu ku sheegayo in xisbiga shaqaalaha ee Britain uu sameeyay wax ay ugu yeereen wax ku darsi shisheeye oo sharci darro ah ololihii doorashada Kamala Harris.

Waxay soo xigatay qoraal hadda laga tirtiray baraha bulshada oo uu qoray Madaxa Hawlaha ee Labour-ka kaas oo xubnaha xisbiga lagu dhiirigaliyay inay u safraan Mareykanka si ay ugu ololeeyaan Dimuqraadiyiinta.

Sir Keir waxa uu sheegay in hawl-wadeeno kasta oo ka qaybqaadanaya ay iskood isu xilqaameen oo aanay dhaqaale ka helin xisbiga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in cabashooyinka aysan wax u dhimi doonin xiriirkii uu la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka.