Kenya oo dib ugu celisay dalkeeda qaar kamid ah askarteeda ku sugnaa Soomaaliya

6

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo qeyb ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa dib ugu laabtay dalkooda, markii uu dhamaaday waajibaadkooda.

Ciidamadan oo fadhigoodu ahaa tuulada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa dib ulaabashadooda waxay qeyb ka tahay dhimista tirada ciidamada howlgalka ATMIS-ta, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa soo dhowayn u sameysay askartan oo ay uga mahad celisay sida ay sheegtay dadaalkooda nabad ilaalinta Soomaaliya.

Ciidamadan oo muddo dheer ku sugnaa Soomaaliya waxay Kenya sheegtay in mari doonaan barnaamijyo la-talin joogto ah si ay dib ugu laabtaan nolosha rayidka iyo dib-ula midoobidda qoysaskooda.

Kowda January 2025, Soomaaliya waxay doonaysaa in uusan dalka ku harin hal askari oo ku jooga magaca ATMIS. Waxay Soomaaliya rabtaa in loo guuro howlgalka cusub ee AUSSOM, kaasoo yeelan waajibaad cusub iyo tiro yar oo ciidan ah oo ku ekaada ilaalada xarumaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa todobaadkan socdaalo ku marayay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya marka laga reebo Itoobiya, wuxuuna kala hadlayay howlgalka cusub.