Ururka ONLF oo hakiyay ka qaybgalka wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya

5

War saxaafadeed uu soo saaray Ururka ONLF ayaa lagu sheegay in ururku uu hakiyay ka qaybgalka wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya, iyagoo ururku ku eedeeyay dowladda inay baalmartay qaabkii loo hagi lahaa wada xaajoodkaas.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeedkooda ku xusay in Xisbiga Barwaaqo ee talada haya laantiisa degaan Soomaalidu uu si khaldan usoo xulay ka qaybgalayaasha wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya, iyagoo sidoo kale sheegay in xisbigu uu ku xadbay heshiiskii lala galay xisbiyada siyaasadda ee dalka Itoobiya.

ONLF waxa kale oo ay sheegtey in wada xaajoodkan heer qaran ee Itoobiya ay ka maqan yihiin siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda degaannada Axmaarada, Oromada iyo Tigray, waxay ONLF sheegtay in wada xaajoodkan uu noqonayo mid hal dhinac ah oo aan loo dhanayn, sidaas darteedna aan keeni karin wax rajo ah, waa siday hadalka u dhigeen ONLF.

Gabagabadii war saxaafadeedkan ONLF waxay sheegtay inay ONLF ka go’antahay in si dhab ah loo wada hadlo, wada hadalkuna uu noqdo mid loo dhan yahay dhammaan Axsaabta siyaasadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kaas oo keeni kara ayay dhaheen Nabad waarta oo ka hirgasha Itoobiya, inta intaa laga helayana aysan ONLF ka qaybgali doonin wada xaajoodkaan heeer qaran ee Itoobiya.

War Saxaafadeedka ONLF ayaa ku soo hagaagaya xilli maalmahan uu magaalada Jigjiga ka socdo kulamo lagu ururinayo ajandayaashii lagaga qaybgali lahaa wada xaajoodkaas, kaas oo ay ka qaybgalayeen Masuuliyiin ka socota heer faderal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga.

Nuxurka War saxaafadeedka ONLF ayaa ahaa inay ka biyo diiday qaabka loo hagayo wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya iyadoo degaannada dalka Itoobiya ay wali ka socdaan dagaallo iyo colaado soo jireen ah, isla markaana ay saaxada wada xaajoodka aan lagu soo darin siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda degaannada ay colaaduhu ka jiraan ee dalka Itoobiya.