Ciidanka PSF Puntland oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan Daacish oo asal ahaan ka soo jeeda Israel

5
Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa soo bandhigay sarkaal ajnabi ah oo lagu magacaabo Cabdalla Mustaf Abuu-Deyr (Saalim) oo la sheegay inuu ka barbar dagaalamay kooxda Daacish (ISIS) ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Muuqaal ay soo saartay PSF, ayay ku sheegtay in Abuu-Deyr uu asal ahaan ka soo jeedo Sakhnin, Israel, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada injineernimada. Wuxuu faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish, isagoo yiri, “Magaceygu waa Cabdalla Mustaf Abuu-Deyr, oo loo yaqaano Saalim. Waxaan ahaa arday injineernimada ka bartay jaamacad ku taal Sakhnin, Israel.

Abuu-Deyr ayaa sheegay in kooxda Daacish ay sugayeen imaanshihiisa degaanada Puntland, ayna geeyeen deegaan lagu magacaabo Istiqbaal, halkaasoo uu tababar kula soo qaatay dagaalyahano kale oo Daacish ah.

Qabashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan tirada dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ku biiraya Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada buuraleyda ah ee Puntland.

Hawlgalka PSF-ta ayaa qayb ka ah dadaallada ay Puntland kula dagaalamayso dagaalyahannada ajaanibka ah ee ku soo badanaya Soomaaliya, iyadoo Daacish ay weli fariisimo ka sameysanayaan deegaannada fogfog ee gobolka Bari.