Wasiirka arrimaha dibadda oo 17 qof aan soo marin wasaaradda arrimha dibadda ku qoray la taliyayaal safaaradeed

4
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa lagu eedeeyay inuu sifo sharci darro ah 17 qof oo la-taliyayaal ah ugu qorayay safaaradaha dibbada, kuwaas oo aan kasoo shaqayn wasaaradda arrimaha dibadda.

La-taliyayaashan ayaa lagu qoray safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Turkiga, Maraykanka, Uganda, Kuwait, Suuriya, Kenya, South Afrika, Masar, Riyad, Belgium, iyo Roma.

Senator Maryan Faarax Kaahiye, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, ee Aqalka Sare, ayaa magacaabistan ku tilmaantay  sharci darro. Senator Maryan waxay sheegtay in dadka loo magacaabay xilalkan aysan waayo aragnimo hore u lahayn shaqada arrimaha dibadda.

Waxay tilmaamtay in magacaabistan ay xaqiraad ku tahay shaqaalaha muddada dheer u soo shaqeynayay wasaaradda, kuwaas oo qaarkood aan waligood mushaar helin.

“Markii ay fursad yar heleen shaqaalaha wasaaradda, waxaa dusha looga keenay dad aan shaqada u qalmin. Waxaan halkaan u fadhiyaa xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha arrimaha dibadda inaan lagu tumanin, iyo in aan sharciga lagu tumanin. Cidna bannaanka loogama keeni karo, iyadoo aysan xaquuq helin shaqaalaha,” ayey tiri Senator Maryan.

Dhinaca kale, Wasiir Fiqi  ayaa sheegay in magacaabista la taliyayaashan ay tahay mid ku timid arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in magacaabistooda aysan ku imaan rabitaankiisa gaarka ah ama inay ku qabiil yihiin.