Puntland oo martigelineyo shir ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya

2

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan martigelinaya shir ka dhan ah dowladda federaalka, kaas oo looga hadlayo arrimo ku aadan xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan ay ka qayb-geli doonaan xubno ka tirsan madaxda maamul goboleedyada, sida hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka oo isugu jiro madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay shirkaas waxa uu sheegay in diiradda lagu saari doono go’aannada ay dowladda Soomaaliya ku gaartay Muqdisho, gaar ahaan wax a beddalka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Arrintan waxa ay imaaneysaa, xilli uu kasii darayo khilaafka siyaasadeed ee Puntland kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac.