Axmed Madoobe oo la sheegay in uu qabsanayo doorasho deg deg ah

3

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhowaan isaga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Muqdisho ayaa haatan qorshe culus ka wada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu doonayo inuu qabsado doorasho deg-deg ah, si uu meesha uga saaro qorshaha dowladda dhexe ee doorasho mideysan oo qof iyo cod ah.

Arrintan ayaa uga sii dareysa khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay dowladda dhexe iyo Jubbaland, kaas oo banaanka yimid kadib ka bixistii Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho.