UK oo DF iyo Laftagareen ugu baaqday in ay wadahadlaan, iyo inay xakameeyaan xiisadda Baydhabo

1

Dowladda Britain ayaa walaac ka muujisay colaadda iyo iska horimaadyada kusoo noqnoqday magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in rabshadaha sii socda ay saameyn ku yeelan karaan shacabka iyo xaaladda bani’aadantinimo ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa dhinacyada ku lugta leh xaaladda Baydhabo ugu baaqday inay is-xakameeyaan, xiisadda dejiyaan, khilaafaadkana ku xalliyaan wada-hadal, iyadoo muhiimadda la siinayo badbaadada shacabka.

Walaaca Britain ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya dhinacyo iska soo horjeeda, kuwaas oo sababay cabsi iyo barakac soo noqnoqda.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale ka digtay in colaadda sii socota ay sii adkeyn karto xaaladda bani’aadantinimo ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Britain ayaa dhawaan ku dhawaaqday £5 milyan oo gargaar cusub ah oo loogu talagalay in Soomaaliya looga taageero diyaar-garowga fatahaadaha la filayo ee la xiriira El Niño xilliga Deyrta.

Dowladda Britain waxay sheegtay in taageeradan ay gaari karto adeegyada aasaasiga ah ee ilaa 600,000 oo qof, iyadoo si gaar ah loo taageerayo caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka.

Sida ay sheegtay Britain, fatahaadaha la filayo ayaa saameyn ku yeelan kara inta u dhaxaysa 2.5 ilaa 3.5 milyan oo qof, taasoo ka dhigaysa in diyaar-garowga iyo tallaabooyinka degdegga ah ay muhiim u yihiin badbaadinta dadka iyo hantidooda.

Xaaladda Baydhabo ayaa sidaas darteed kusoo aadeysa xilli gobolka uu wajahayo laba caqabadood oo isbiirsaday; colaad iyo barakac dhinac ah, iyo khatar fatahaado iyo dhibaatooyin bani’aadantinimo dhinaca kale.

Dowladda Britain ayaa horey u sheegtay inay sii waddo taageerada bani’aadantinimo iyo horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo safaaradda Britain ee Muqdisho ay sheegtay in howlaheeda ay qayb ka yihiin taageerada xasilloonida, amniga iyo horumarka Soomaaliya.