Wasiir Fiqi: Ma jirto rajo laga qabo inaan wada xaajood toos ah isugu imaano Itoobiya

5

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in aysan muuqan rajo laga qabo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isugu yimaadaan wada hadal fool ka fool oo ku saabsan xiisadda arrimaha badda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Itoobiya ay martay dariiq qaldan, oo ay u bareertay boobka qayb kamid ah dhulka Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa yiri, “Annaga nooma muuqato in Abiy Ahmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan is waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeynayo ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

“Waxaanu weli siineynaa Itoobiya fursad ay kaga laabato heshiiska, si xaaladu ay dib ugu soo laabato sidii ay ahayd ka hor kowdii bisha January ee sannadkan,” ayuu ku daray wasiir Fiqi.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga oo ahaa dhex dhexaadiyaha labada dal ayaa u muuqda mid ku guulaysan waayay inuu wada hadal siiyo laba dhinac, wuxuuna dhawaan dib u dhigay wareeggii saddexaad ee wada hadalada loo ballansaa Ankara.