Markab dagaal oo laga leeyahay Tuirkiga oo kusoo xiranaya dekeda Muqdisho

7
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kemalreis ayaa maanta ku soo xiri doona dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay dhawaan kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.

Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay la kulmaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga marka uu markabka dagaal ku soo xirto dekedda Muqdisho, taasoo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee dhaqan gelinta heshiiskii la saxiixay bishii hore ee February.

Waxaa hakad ku yimid shaqada dekadda Muqdisho iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu ka qeyb galo xafladda soo dhaweynta markabka ee badda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiskaas oo ay saxiixeen wasiirradooda gaashaandhigga, isla markaana ay ansixiyeen bishii Febraayo ee baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda iyo ka hortagga argagixisada, burcad-badeedda iyo faragalinta Shisheeyaha.

Heshiiska ayaa sidoo kale sare u qaadi doona horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi ee labada dal, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen awooddeeda ballaaran ee kalluumeysiga, dalxiiska iyo tamarta.