Hay’adda SODMA oo digniin culus kasoo saartay roobab xoogan oo dalka ka da’i doona Isbuucaan gudahiisa

9

Iyadoo roobabka Guga ay ka curteen inta badan gobolada dalka ayaa hadana, hay’adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxay soo saartay digniino ku aadan roobab xoogan oo dhamaadka bishaan ka da’aya gobolada dalka

Hay’adda ayaa tilmaamtay in roobabka la filayo todobaadkaan iney ka da’aan gobolada dalka iney sameyn karaan daadad iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadaba.

SODMA ayaa si gaar ah ugu digtay dadka ku nool agagaarka wabiyada Shabeelle iyo Jubba sida magaaloyinka kala ah, Baledweyne, Buulaburte, Jowhar, Luuq, Doolow, kuwaas oo dhamaantood horay uga dhaceen daadad iyo fatahaado is barbar socday xili roobaadkii lasoo dhaafay.

“Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Jubba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’ada SODMA.

Hay’adda ayaa ku adkeysay dadka degan hareeraha wabiyada iyo togaga daadadku maraan iney si weyn uga feejignaadaan roobabka Guga ee haatan ka curtay inta badan dalka, kaasoo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hantida dadka Soomaaliyeed oo la ogsoon  yahay ineysan wali kasoo kabsan fatahaadii iyo daadadkii Elnino ee ku dhuftay dhamaadkii sanadkii tagay qeybo ka mid ah gobolada dalka.