Kulan lagu taageerayay ansixinta dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho

7

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee XFS , Xildhibaano mas’uuliyiin, qurbe-joog iyo Diblomaasiyiin ayaa ka qeyb galay habeenka Qurbe Joogta oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu muujiyay ahmiyadda is dhaxgalka Bulshada ,iyo in la taageero ansixinta Dastuurka, dhismaha dowlanimada Soomaaliya iyo dowladda lagu garab istaago dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Masuuliyiinta goob joogga ahaa ayaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ku nool wadamada caalamka ugu baaqay in ay dowladda ku garab istaagaan dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.