In ka badan 70 xildhibaan oo ka hor yimid waxkabadalka dastuurka

9

In ka badan toddobaatan xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku yeeshay shir ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan wax ka badelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo dooddiisu socoto.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in wax ka badelka dastuurka lagu soo kordhiyay qodobbo cusub isla markaana meesha laga saaray qodobbo horey ugu jiray, taas oo ay ku tilmaameen sameynta dastuur cusub.

Waxey sheegeen in arrintaan ay khatar ku tahay hannaanka dowlad dhiska Sooomaaliya ayna qaadayaan tillaabooyin a kaga hortagayaan.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxdu ay u dhag raariciyaan walaaca iyo cabashada xildhibaannada ka tirsan labada gole.