Faahfaahino kasoo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa Bakaaraha

7

Dab xooggan ayaa saaka aroortii hore ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayada oo illaa hadda aan la garaneyn waxa sababay.

Dabka ayaa si gaar ah qabsady qaybta Cabdalle Shideeyaha ee suuqa, waxaana weli soconayo gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska oo ku howlinta daminta dabkaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku sii shareeraraya oo ah gubashada suuqa

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo isugu jiro ganacsatada suuqa iyo dad kale oo shacab ah.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale ee ku yaalla caasimada.