SSC-Khaatuma oo dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay maxkamadda ICJ

8

Hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC-Khaatuma mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa dambiyo culus ku eedeeyay Somaliland, kuwaas oo la xiriira dagaalladii sanadkii hore ka dhacay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Somaliland ay ka gudbiyeen dacwad ay geeyeen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, si loogula xisaabtamo xasuuq uu sheegay inay ka gaysteen Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maxkamadda ay aqbashay dacwadda ay gudbiyeen, ayna la wadaageen magacyada shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadaasi.

Laascaanood ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo iyo duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo socday dhowr bilood oo xiriir ah.

Xaaladda ayaa muddooyinkii u dambeeyay daganayd, inkastoo weli labada dhinac ay isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay ee gobolka Sool.