Wasiir Faarax: Macalimiinta DFS u shaqeeya 2025 waxay noqon doonaa 10 kun

10

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in xukuumadda Danqaran oo ahmiyad weyn siinaysa horumarinta waxbarashada dalka ay kordhinayso macalimiinta wax ka dhiga iskuulada dalka, si loo balaariyo adeegga waxbarashada aas aasiga ah.

Waxa uu sheegay in bisha March ee sanadkan dowladdu ay qaadanayso 3-kun oo macalin oo cusub, kuwaas oo dalka oo dhan loo qeybin doono, islamarkaana 2025-ta macalimiinta dowladda u shaqeeya la gaarsiindoono ilaa 10-kun oo macalin.

Tallaabadan ayuu sheegay inay qayb ka tahay go’aan ay dowladdu ku qaadatay horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo la kordhiyey miisaaniyadda dowladdu ku bixiso waxbarashada, lana gaarsiiyey 10%, halka ay markii hore aheyd 3%.

Wasiir Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay fursad weyn u abuurayso dalka, islamarkaana ay qayb ka qaadanayso yareynta faqriga.