Itoobiya oo beenisay in Madaxweyne Xasan lagu carqaladeeyay Addis Ababa

15

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Meles Alem ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa ishortaag ay Ciidanka ammaanka Dowladda Itoobiya ku sameeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh xili uu kusii jeeday shirka Madaxda Midowga Afrika.

Danjire Meles Alem oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka madaxda dowladaha caalamka inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa oo ay ka qeybgalayaan shirarka ka dhaca.

“Madaxweynaha Soomaaliya waa uu diiday in uu qaabilo ciidamada ammaanka ee ay u dirtay dowladda Itoobiya,” ayuu yiri Danjire Meles.

Wuxuu xusay in dowlada Itoobiya mas’uuliyda culus ka saaran tahay martida u timaada amnigooda ; balse, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu ku dhaqaaqay arrin liddi ku ah hab-maamuuska la dejiyay ee sugida amnigiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in si diiran ay usoo dhaweysay Madaxweynaha Soomaaliya marii uu Addis Ababa tagey, waxayna meesha ka saartay inay si qaldan ula dhaqan tahay.

Wuxuu Afhayeenka tilmaamay in ilaaladii wafdiga Soomaaliya ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Xarunta Midowga Afrika iyagoo hubeysan taasoo ay hortageen Ciidanka amniga Itoobiya ee goobta ku sugnaa.