Abiy Axmed oo sheegay inuu ku fashilmay la kulanka MW Xasan Sheekh

10

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu uga wadahadali lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh heshiiska badda ee uu la saxiixday hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi 1-dii bishii hore.

Khudbad uu ka jeediyay meertada 37aad ee Shirka Midowga Afrika ayuu Abiy Axmed ku sheegay in Madaxweyniyaasha Jabuuti, Uganda, Kenya Ismaaciil Cumar Geelle, Yoweri Musaveni iyo Ruto inay isaga iyo Xasan Sheekh dhex dhexaadiyaan, oo miiska wadahadalka isagu keenaan balse taasi lagu guuldareystay.

Sidoo kale, Abiy Ahmed waxa uu tilmaamay in si shaqsi ah qadka Taleefonka ugula xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu u qaboojiyo xiisada diblomaasiyadeed ee labada dal, taasoo hadda ugu dambeyn tagtay shirka Midowga Afrika, oo labada hogaamiye khudbado isagu jawaabeen.

“Wax qorshaha kama lihin inaan dhibaato u gaysano deriskeena Soomaaliya ama xasilooni darro ka abuurno ama xitaa gobolka, kadib markii heshiiska is-afgaradka saxiixnay, waxaana sameeyay wax kasta oo awooday inaan la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh oo si derisnimo ah u wadahadalno, laakiin ma aysan dhicin taasi, waxaana walaalkeena Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka dalbanay inuu ila kulansiiyo si fool-ka-fool ah Xasan Sheekh, haddana kuma guuleysan, sidoo kale waxaan ka codsaday Museveni iyo Ruto inay qaban qaabiyaan kulan aniga iyo Xasan Sheekh, oo aan u haysto inuu yahay saaxiib wanaagsan, haddana laguma guuleysan, waxaana aaminsanahay inaan si hoose u u wadahadal karno, una xalin karno dhibaatada jirta, anagoo keenin shirka Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya diyaar u tahay deris wanaag iyo inay dhageysato cabashada Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in hogaamiyaasha gobolka Geeska Afrika, sida Imaaciil Cumar Geelle, Ruto iyo Museveni ku kalsoon yahay inay door wax ku ool ah ka qaadan karaan xalinta xiisada hadda Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxaysay.

Hadalka Abiy Ahmed ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shir jaraa’id oo Addis Ababa shalay ku eedeeyay Itoobiya inay doonayso inay qayb ka mid ah dhulka dalka Soomaaliya xoog ku qaadato, iyadoo heshiis dhinaca badda ah la saxeexday maamulka la baxay Somaliland.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan militariga Itoobiya ay ku sugan yihiin Somaliland iyagoo ka shaqeynaya “diyaarinta booobka badda” taasoo ah daandaansi dagaal iyo ku xad-gudub ay xukuumada Abiy ku sameynayso madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay ciidamada ammaanka Itoobiya inay isku dayeen inay ka hor istaagaan inuu ka baxo hotelka subaxnimadii Sabtida, taasoo ku qasabtay inuu ku safro kolonyada madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.