60 sano kaddib Baarlamaanka oo ka doodaya waxkabadalka dastuurka

27

Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka doodaya ansixinta wax ka baddelka dhammaystirka Dastuurka Dalka.

Dooddaan oo ka dhigan in 60 sano kaddib uu Baarlamaan ka doodo dhammaystirka Dastuurka ayaa xildhibaannada iyo Senatarrada Aqalka Sare lagu wargeliyay in kulankooda wadajirka ah ee maanta ay ka doodayaan arrintaan.

Guddiga dib u eegista & la socodka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo diyaariyay Cutubyada 1aad, 2aad iyo 4aad isaga oo guddiga soo jadwaleeyay waqtiga doodda loo qorsheeyay in ay socoto taas oo ah 14ka Febaraayo ilaa 4ta Maarso 2024.

Cutubka 2aad ayaa isna dooddisu waxaa loo qorsheeyay 21ka Febaraayo 4ta Maarso 2024 halka cutubta 3aad laga doodayo 6da Maarso ilaa 11ka Bishaas sanadkaan 2024 waxaana la diiwaangelin doonnaa doodaha Xildhibaannada & Senatarrada Aqalka Sare BJFS.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka Dalka ayaa dhinaca kale diyaariyay cutubka 4aad oo dooddiisa la galayo 13ka Maarso ilaa 23ka Maarso 2024 waana marxaladda labaad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad Dastuurka Soomaaliya.

Indhaha ayaa lagu hayaa natiijada kasoo bixi doonta doodaha fadhiga wadajirka ah ee Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.