Abwaan Abees oo sanad iyo bar lagu xukumay

12

Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa maanta xukun sannad iyo lix bilood ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maalintii shalay lagu xidhay magaalada Hargeysa, ka dib markii u magaaladaas ku soo bandhigay Buug la magac bacay Mayal.

Qoraal kooban oo uu bartiisa soo dhigay Nuuradiin Abees oo ah Walaalka Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa ku sheegay in maxkamadda ay Walaalkiisa ku xukuntay sanad iyo bar oo xarig ah, “Cabdiraxmaan saakaa 6 dii subaxnimo ayaa la xukumay sanad iyo lix bilood,” sida uu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Walaalka la dhashay Abwaan Abees.

Maalnimadii shalay ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo February 2, 2024 magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Buug la magac baxay Mayal, kaas oo badi uu ku dhaliilayo xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixi.

Bandhiga Buugga ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey gudaha Somaliland, iyada oo xusid mudan tahay in Xukuumadda Muuse Bixi ay Buugga hakisay bandhiggiisa muddo laba sanno, wallow markii dambe loo fasaxay shirkaddii soo daabacday oo ahayd Hiil Press.

Aabaha dhalay Abween Abees oo maalnimadii shalay ayaa beeniyey in ciidamada Somaliland ay xireen Abwaanka, isaga oo sheegay in uu xiray Wiilkiisa, balse hadalka Aabaha waxaa saacado ka dib beenisay Hooyada dhashay Abwaan Abees oo sheegtay in xukuumadda ay u dhiban yihiin Qoys ahaan, iyada oo sii sheegtay in ciidamada Somaliland ay toogteen bilo ka hor wiil ay dhashay.