Golaha Wakiilada Puntland oo u codeeyay Mudadda uu Madaxweyne Deni ku soo dhisayo Golaha Wasiirada Cusub

13

Xildhibaannada Golaha Wakiilada  Puntland ayaa maanta ogolaaday codsi uga yimid madaxweyne Deni oo ka dalbaday in ay u kordhiyaan wakhtiga uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub  ee Puntland.

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa cod aqblabiyad leh ku Ansixiyay in muddo 30 Cisha ah madaxweynaha loogu daro wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in mudda 30 cisho ah lagu kordhiyay wakhtiga madaxweynuhu ku soo magacaabayo xukuumadda.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaweynaha Puntland Saciid Cabdulaagi Deni ayaa Markii la doortay  ugu gudbiyay Gudoonka Golaha Golaha Wakiilada Puntland codsi ah in waqti loogu kordhiyo Mudadda uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub taas oo ay maanta ay u codeeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland .