Madaxweyne Xasan Sheikh oo beeniyay inuu Masar weydiistay taageero militari oo ka dhan ah Itoobiya

12

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh  ayaa iska fogeeyay inuu madaxweynaha Masar kala xaajooday arrimo militari iyo in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya si ay uga taageeraan difaaca baddeeda.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadu aysan weli gaarin halkaas. Taasina waa sababta aan uga digayno Itoobiya oo aan u leennahay war ka jooga ha samayn sidaas fadlan.”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse aysan ka waaban doonin inay difaacdo dalkeeda haddii loo baahdo.

“Kani waa dhul ay Soomaaliya leedahay, weligeenna kama daali doono cadaadis kasta oo ku yimaada,” ayuu ku yiri madaxweynuhu wareysi uu siinayay Alcarabiya.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay heshiis la gasho Addis Ababa oo ay kala shaqeeyaan inay awood u yeeshaan badda.

Laakiin wuxuu sheegay inay qabsato  dhul kamid ah Soomaaliya in aysan aqbalayn taas.