(SAWIRRO)RW Xamsa oo Maanta lagu soo dhaweeyey degmada Dolow ee Gobolka Gedo

42
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo
.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-gobolleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.