Somaliland ayaa dagaal ka dhan ah jiritaankeeda ku tulmaantay aqoonsiga ay Dowlada Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC Khaatumo oo hoggaamiyahooda ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu cambaareeyay, iyada oo lagu sheegay in Soomaaliya aanay ka talin magaalada Laascaanood.
Aqoonsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee SSC Khaatumo ayay Somaliland ku tilmaantay weerar ka dhan ah qaranimadeeda, “Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar bareer ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960”.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland haysatay madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, isla markaana ay ka hirgelisay xuduudaheeda nabadgalyo, amni iyo dowlad dimuqraadi ah ayna si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, lakiin talaabada Soomaaliya ay khatar galinayso amniga.
Ugu danbayn Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ugu baaqayso dowlada Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC Khaatumo, isla markaana ay beesha caalamka usoo jeedinayso inay cambaareeyaan aqoonsiga.