War murtiyeed lagasoo saaray shirka siyaasiyiinta mucaaradka Puntland

31

War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirkii mucaaradka Puntland uga socday magaalada Garowe, iyagoo mucaaradku isku raacay in aysan wax muddo kordhin ah ka dhici karin Puntland.
Mucaaradka Puntland waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, waxayna sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, laguna dhaqmi karin.

War murtiyeedka shirka mucaaradka Puntland ayaa lagu sheegay in si degdeg loo bilaabo xulista xubnaha baarlamaanka, iyagoo mowqifkooda ku caddeeyay, habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto, in ay tahay habkii horey loogu gali jiray doorashada ee 66-da xildhibaan.

Mucaaradka Puntland waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni, inuu Puntland galiyay go’doon siyaasadeed oo heer qaran ah iyo heer caalami ah. Wxay sheegeen labadii sano ee ugu dambeysay in maamulku fadhiid noqday.

Waxa sheegeen xiriirka xumaaday ee Puntland iyo dowladda federaalka uu ku dhisnaa dano shaqsiyadeed, taasoo saameyn ku yeelatay mashaariicdii horumarineed ee Puntland.