Sweden oo ku hanjabtay inay deeqaha ka goosaneyso Dowladda Soomaaliya

27

Bishii May ee sanadkan 2023-ka, Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Iskaashiga iyo Socdaalka ee dalka Sweden waxay si wadajir ah Qoraal ugu direen Dowladda Federalka Somalia, kuna wargeliyeen inay Iskaashi  xoogan ka muujiyaan Qorshaha Qaxootiga Soomaalida ee Sweden laga soo masaafurin doono.

Telefishinka SVT oo arkay Nuqul ka mid ah Qoraalka loo diray DFS ayaa soo tebiyey in Dowladda Sweden oo muddo dheer ahayd Deeq-bixiyaha ugu weyn Somalia ay haatan dib u eegis ku hayaan Kaalmooyinka Horumarinta.

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Sweden, Johan Forssell waxa uu sheegay inuu hadafku yahay inay Xukuumadda Cusub ee Sweden dardar gelinayso Arrimaha Tarxiilka  inay dalalka kale ku baraarugaan Isbedelka ku yimid Siyaasadda Sweden ee Kaalmooyinka Horumarinta.

Dhanka kale, Agaasime Gobaleedka Hay’adda Diakonia ugu qaabilsan Qaarada Afrika,  Philemon Gazi waxa uu si kulul u naqdiyey Go’aanka Dowladda Sweden, isagoo xusay inay walaac ku abuurayso dadka ku nool gudaha Somalia ee Gargaarka ka hela Sweden.

Sida laga soo xigtay Wakaallada Kaalmada Sweden  (The Swedish Aid Agency) ee SIDA, ma jiraan Kaalmo Swedish oo si toos ah loo siiyo DFS.

Si kastaba, Dowladda Sweden waxay bartamihii bishii August ee sanadkan 2023-ka ku dhawaaqday inay dalkeeda laga soo tarxiilayo Kumanaan Muhaajiriin Shisheeye ah oo la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo kuwo kale oo iskooda u codsaday in dib loogu celiyo dalalkooda Hooyo.

Muhaajiriintaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Iraq,  Iran, Afghanistan,  Uzbekistan iyo Somalia, iyadoo Tirada Qaxootiga Soomaalida ee laga soo tarxiilayo Sweden gaarayaan 467 qof, sida lagu caddeeyey Tiro-koobkii Wasaaradda socdaalka Sweden soo saartay bishii August ee la soo dhaafay.