Madaxda Maamul goboleedyada oo shir qarsoodi ah ku yeelanaya Kenya

29

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in inta badan madaxda maamul goboleedyada ay haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaaWarbaahinta u sheegay in madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay wada joogaan Nairobi, halkaas oo ay ka wadaan dhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in is arag ay yeesheen madaxweyne Laftagareen iyo dhiggiisa Deni, kuwaas oo haatan wajahaya xaalado siyaasadeed oo isku mid ah oo ku aadan doorashooyinka kusoo foodka leh Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale Puntland.

Labada madaxweyne ayaa haatan loolan adag kala kulmaya mucaaradka kasoo horjeeda, maadaama ay galayaan doorasho adag, waxayna iska xog wareysteen arrimaha ku geedaaman iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay suuragal tahay in iyaguna ay kulan yeeshaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo mar ahaa saaxibo, balse kala tegay kadib doorashooyinkii soo dhammaaday ee sanadkii hore ee 2022-kii.