Dadka ku dhaqan Tuulada Faafi, oo qiyaastii 70 KM u jirta magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa ka cabanaya weerar ay dhurwaayo raxan-raxan u socda muddooyinkan kusoo qaadaan dadka iyo xoolaha deegaanka.
Weerarkii u dambeeyay ee dhurwaayada waxaa dhawwacyo culus ay kasoo gaareen laba qof, iyadoo xilli sii horreysay uu hal qofku dhintay.
Iska hor-imaadka u dhexeeyay dadka iyo dhurwaayada ayaa yimid kadib biyo yaraan ka dhacday deegaanka ay sababtay in dadka, xoolaha iyo dhurwaayada ay hal meel biyaha ka wada cabeen weerarkii ugu dambeeyay.