(SAWIRRO)Gargaar Raashin ah oo degmada Baardheere laga qeybiyey

60

Degmada  Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa laga Qeybiyey Gargaar Raashin ah oo Xarunta gargaarka iyo hawlaha bani aadinimada ee Boqor Salmaan ee Sucuudiga,waxaana gargaarkan soo gaarsiiyey degmada Hay’ada Wadaniga Ah Ee Tadaamun Social Society,kaashanaysa Wasaarada Gargaarka ee jubaland

Gargaakan Raashin oo ka koobnaa,Bariis,Bur,Sonkor,Saliid,Baasto iyo Timir ayaa waxaa ka faa,ideystey ilaa Lix boqol qoys oo ah kuwo danyar ah oo noloshoodu ay saameyn ku yeelatey Abaaro iyo Fataahado soo noq noqdey

Maxamed Xaaji Buule oo ah ku simaha Gudoomiyaha degmada Baardheere iyo Maxamed Ibraahin Farasheere oo labadooduba ku Hadley Afka Maamulka degmada ayaa ka mahad celiyey Gargaarkan Raashineed ee lagu wareejiyey,waxayna u mahad celiyeen Raashinka Xarunta gargaarka ee Boqor Salmaan iyo Hay’ada Tadaamun oo gargaarka soo garsiisey Baardheere.