Puntland oo soo dhoweysay magacaabidda xoghayayaasha maamulka SSC- Khaatumo

41

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa soo dhoweeyay magacaabidda xog- hayayaasha cusub ee SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa caddeeyay inay Puntand si buuxda u garab taagan tahay maamulka SSC- Khaatumo, wuxuuna Dowladda federalka ugu baaqay inay qaadato waajibaadka iyo doorkeeda ka saaran maamulka SSC- Khaatumo.

“Puntland waxay si buuxda u garab taagan tahay SSC-Khaatumo, Hambalyeynaysaana xubnaha golaha fulinta ee la magacaabay, nooc kasta oo kaalmana diyaar ayaan ula nahay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland.

Hoggaamiyaha golaha dhexe ee SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay 9 xoghaye oo ka shaqayndoona arrimaha bulshada, arrimaha siyaasadda, Arrimaha Gudaha, Arrimaha amniga, Arrimaha Waxbarashada.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale magacaabay ergayga gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, wuxuuna u magacaabay  Dr. Cali Xaaji Cige.

Xoghayayaasha ayaa xasaanad weydiisan doona golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo, si ay waajibaadkooda u gutaan.