Madaxweynaha Hirshabeelle oo dardadaaran ujeediyay boqolaal ka tirsan Mucaawisleyda Nuur-dugle

33

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa gaaray degaanka Nuur dugle ee gobolka Shabeelle dhexe, halkaas oo maalmo ka hor ay Shabaab weerar kusoo qaadeen, inkastoo ciidanka degaanka iska caabiyeen.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlay boqolaal kamid ah ciidanka Mucaawisleyda degaanka Nuur-Dugle, ayaa wuxuu kula dardaarmay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Cali Guudlaawe waxa uu sheegay, Shabaab inay isugu urureen inta u dhaxeeysa Ceelbuur iyo Cowswayne. Wuxuu sheegay in la isku diyaariyay in laga xoreeyo degaanada ay ku harsan yihiin, si ay dadku u dareemaan neecawda xornimada.

Cali Guudlaawe wuxuu sheegay, Nuur dugle in aysan ahaan doonin goob laga difaaco Shabaab, isagoo sheegay in aysan masuuliyad ka saaran tahay in ay Shabaab dhameystiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu sheegay, Nuur-Dugle oo ahaa degaan caan ku ah barashada diinta, in Shabaab muddadii ay ka talin jireen albaabada u laabeen dugsiyadii qur’aanka iyo xarumihii diinta lag faafin jiray.