Waxgaradka iyo Maamulka Baardheere oo Codsadey in Dayactir lagu sameeyo Qeybaha ay ka bur bursan tahay Buundada weyn ee degmada

52

Maamulka iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa codsadey in wax laga qabto Dhismaha Buundada weyn ee degmada oo baryahii la soo dhaafey uu bur bur xoogan uu ku yimid qeybo ka mid ah Buundada.

Buundada oo 2019 kii inteeda badan lagu sameeyey dayactir Balaaran,ka dib taageero laga helay DF ee xilligaasi jirtey,balse waxaa qabyo ah ku dhowaad ilaa 20 mitir oo ka mid ah Buundada,waxaana xaalada ay u muuqataa haddii ayan helin dayactir deg deg ah in xaalada ay ka sii dari doonto.

Yuusuf Maxamed Faarax oo ka mid ah Waxgaradka degmada Baardheere ayaa sheegay haddii aan la daba qabin Buundada inay halis ugu jirto inay go,do,waxuuna ugu baaqey Qeybaha kale duwan ee Bulshada Baardheere in ay u istaagaan sidii dayac tir loogu sameyn lahaa Qeybaha ay ka bur burtey Buundada.

Sidoo kale Maxamed Xaaji Buulle waa G/ku xigeenka labaad ee Maamulka degmada Baardheere waxaana uu ka waramayaa marxaladahii kale duwanaa ee ay soo martey Buundada weyn ee Baardheere oo ahmiyada balaaran u leh bulshada deegaanka iyo baahido loo qabo sidii dayactir loogu sameyn lahaa qeybaha ay ka bur bursan tahay Buundada.

G/ku xigeenka ayaa ugu dambeen Codsi Baaq  ah u direy dhamaan qeybaha kale duwan Bulshada,sida ganacsatada,DF iyo Qurba joogta inay u istaagaan sidii loo daba qaban lahaa qeybaha ay ka bur burtey Buundada.

Buundada weyn ee Baardheere oo la dhisey sanadkii 1978 ayaa Halbwle xagga nolosha u ah kumanaan Qoys oo maalin iyo habeen u kala goosha labada gedi ee magaalada,waxayna marin muhiim ah u tahay isku socodka dadka ,Gaadiidka iyo Xoolaha  u kala safra qeybo degmooyinka Gedo iyo wadamada deriska sida,Kenya iyo Ethopia.