Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku adkaystay inay ansax tahay xil ka qaadista wasiirka arrimaha gudaha

46

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa ku adkaystay inay sharci tahay shaqo joojintii uu ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmduug, Cabdi Waayeel.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka hor yimid shaqo joojintaan, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa dastuurka Galmudug iyo awoodaha dastuuriga ah madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug wuxuu sheegay in ay dhaqan gal tahay shaqo joojinta wasiirka arrimaha gudaha. Wuxuu ku amray hay’adaha la shaqeeya wasaaradda in aysan la macaamili karin wasiirka arrimaha gudaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ansax tahay xil ka qaadistii golaha degaanka Cabudwaaq ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas, wuxuuna faray in si degdeg guddiga doorashadu u qabto doorasho xor ah.

Qoor Qoor iyo Ciid ayaa saddex sano kaddib, markii ugu horraysay khilaafkooda bannaanka yimid, kaasoo ka dhashay shaqo joojinta wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Qoor Qoor ku eedeeyay inuu xagal daacinayo dagaalka Alshabaab, xilli uu madaxweynuhu ku sugan yahay jiidaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciid wuxuu sheegay saddexdii sano ee ugu dambeysay inay Galmudug ku socotay dulqaadkiisa, isagoo sheegay inuu wax badan xeerinayay, balse hadda uusan ka aamusi karin, wuxuu ugu yeeray qiyaamada uu madaxweyne Qoor qoor ku sameynayo dadaalada madaxweyne Xasan Sheikh ugu jiro in Shabaab laga ciribtirka Galmudug.