Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas

26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay dadka reer Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab  ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah uu socon doono inta laga ciribtirayo dalka.