Kumanaan qoys oo bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Laascaanood ku dhawaad 10 bilood kadib

35

Kumanaan qoys oo horey uga  barakacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa ku dhawaad 10 bilood kaddib dib ugu laabtay magaaladaasi, kaddib markii maamulka SSC-Khaatumo ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta amniga magaalada Laascaanood.

Inkastoo magaalada Laascaanood uu gaaray burbur aad u xooggan, haddana dadka ayaa bilaabay inay dib guryahooda dib ugu laabtaan, iyagoo ku faraxsan in ay ka raysan doonaan madaafiicdii magaalada sida joogtada loogusoo garaacayay tan iyo bishii febraayo ee sanadkan.

In ka badan 300,00 qoys ayaa magaalada ka barakacay tan iyo intii ay colaaddu socotay. Weli badi dadku kumasoo laaban magaalada.

Magaalada oo ay weli ka muuqda saamaynta colaadda kasoo gaartay, ayaa hadda si tartartiib ah usoo kabanaysa, iyadoo dib loo howlgaliyay xarumihii ganacsiga iyo goobihii bixin jiray adeegyada arrimaha bulshada.

Sidoo kale, maamulka Khaatumo oo kaashanaya shirkadaha ganacsiga ayaa dhagax dhigay dib u dhiska xarumihii danta guud ee ciidamada Somaliland ay madaafiicda ku burburiyeen.

Maamulka SSC- Khaatumo ayaa haatan magaalada Laascaanood kawada howlgallo magaalada looga arurinayo haraadiga hubka.

Waxaa dadka lagu wargaliyay in aanay degin dhismayaasha madaafiicdu ku dhaceen, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay weli dhexyaalaan haraadiga hubka aan weli qarxin.

Kusoo laabashada magaalada Laascaanood ayaa kusoo beegantay, iyadoo dhawaan hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqadir Firdhiye uu ku wargaliyay dadka in aanay guryahooda kusoo laaban, isagoo sheegay in magaaladu weli ku jirto xaalad colaadeed, loona baahan yahay in aan lagusoo degdegin.

Ciidamada Somaliland ayaa hadda ku sugan Oog oo in ka badan 100km u jirta magaalada Laascaanood. Halka Ciidamada SSC ay iyagana ku sugan yihiin degaan la yiraahda Sarinta oo wax ka yar 10km u jirta magaalada Oog.