Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta tegaya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

9

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka socda diyaargaroowga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka degmada Maxaas ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee degmada Maxaas uu yahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaa soo uu silamid ah ka waday maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u gudbin doonaan baahiyaha kajira degaannada Hir-Shabeelle iyo dardar gelinta xorreynta degaannada iyo weli ku harsan yihiin Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo ku dhow Bil waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta uu halkaasi joogay ay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka la wareegeen degaano dhowr ah wallow ay dib uga soo baxeen.