Ruushka oo gargaar usoo diraya dalal ay ku jirto Soomaaliya

40

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Jimcihii sheegay in sahay gargaaar  la siinayo lix waddan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Wasiirka ayaa munaasabad ka dhacday Moscow ka sheegay in Burkina Faso, Central African Republic, Eritrea, Mali, Somalia, iyo Zimbabwe ay midkiiba 50,000 oo tan oo qamadi ah ku heli doona lacag la’aan bilaha soo socda.

Ruushka ayaa sidoo kale bixin doono kharashaadka lagu soo qaadayo qamadigaas gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu caawiyo malaayiin qof oo ku dhibaataysan qaaradda Africa.

Isagoo soo hadal qaaday Ukraine, wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya ay ku wargelisay Moscow in shirkii ka dhacay Agoosto 5-6 ee Jeddah la soo agaasimay “si loo gaarsiiyo ka qaybgalayaasha reer galbeedka iyo Ukraine lafteeda fikradda” in heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Moscow iyo Kyiv aysan awoodin hore u socod iyada oo aan Ruushka ka qaybgelin.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jirta abaar daran oo saamaysay sideed milyan oo qof, waxaana heyadaha gargaarka ee QM ay sheegeen in laga hortagay macluul ku dhufan lahayd dalka sanadkii la soo dhaafay.