Ciidanka booliiska oo Deyniile ku qabtay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo labo nin oo watay

32

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay fashiliyaan gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka.

Afhayeenka ciidanka Booliis Saddiiq Aadan Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha amnigu ay qabteen labo eedeysane oo la socday gaariga qaraxa ku rarnaa, kaasoo qarxay waxyar kaddib markii laga dajiyay eedeysanayaasha la socday gaarigan.

Afhayeenku wuxuu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo shacabka iyo ciidanka kasoo gaaray gaariga qarxay. Wuxuu sheegay in hay’adaha amnigu ay gaariga geeyeen meel aysan dad joogin, si looga fogaado waxyeeladiisa.

Saddiiq Doodishe wuxuu sheegay gaarigan inuu isku dayay inuu ka dhuunto baraha kantarool ee amniga, laakiin wuxuu sheegay laamaha amniga oo ka shakiyay inay daba galeen oo ku guualaysteen inay gacanta kusoo dhigeen.

“Ciidanka Deyniile oo ku jiray Roondo, ayaa ka hortagay gaarigan oo shaki laga muujiyay sida uu meesha kusoo maray. Xaafado dhexdooda ayuu rabay inuu kasoo barmuudeeyo, si uu si dhuumaalaysi ah magaalada ugusoo galo. Ciidankii iyo maamulkii oo isla jira ayaa gacanta ku dhigay,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Doodishe wuxuu sheegay Shabaabku in ay hagar weyn la damacsanaayeen magaalada Muqddisho. Wuxuu sheegay inay yihiin naf la caari doonaya inay is muujiyan, si ay ugu qariyaan guul darrada kasoo gaartay howlgallada socda.