Xildhibaanada iyo Senatorada beesha Jareer weyne oo bayaan kasoo saaray xariga Gen. Sheegow

51

Xildhibaanada iyo Senotarada kasoo jeeda beesha Jareerweyne ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay ku baaqeen in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadii lagusoo xiray Gen. Sheegow.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxay bayaan kagasoo saareen xariga Sheegow, iyagoo dareen aan fiicnayn ka muujiyay habka ay Dowladdu u maaraysay  xiritaanka sarkaalka ciidan iyo askartiisa.

Waxay sheegeen in laga baaqsan karay dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay xiritaanka sarkaalka ciidan. Waxay kaloo sheegeen waxa dhacay in ay ahaayeen dulmi.

Xildhibaanada iyo Senatorada beesha Jareer weyne waxay Dowladda federalka Soomaaliya ugu baaqeen in la ilaaliyo xaquuqda iyo daryeelka sarkaalka la xiray, iyagoo sheegay in ay sugayaan in uu caddaalad  helo.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in shacabka loo oggolaado xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aadan in ay si nabad usoo bannaan baxaan una muujiyaan dareenkooda.

19-kii bishaan ayay ahayd markii ay dowladdu xirtay Gen. Sheegow, kaddib dagaal saacado badan socday oo dhexmaray ciidamo isaga daacad u ah  iyo ciidanka booliiska.

Waxaa loo haystaa in hoygiisa lagasoo abaabulo dhac iyo dhibaayooyin kale oo loo geysto shacabka ku nool degmada Wadajir.