Wareysi:Maamulka Gedo International University oo ka warbixiyey Xaalada Waxbarashada ee ka socota Jaamacadda.

17

Jaamacadda Gedo International University oo ah Jaamacadii ugu horeysay ee si rasmi ah looga hergeliyo Gobolka ayaa waxaa la aasasey Sanadka markii uu ahaa 2016kii ,Xaruntedana waxay ku taala degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,dhismaha Jaamacaddan iyo habsami u socodka Shaqadeeda ayaa waxaa gacan ka geystey Bulshada  ka soo jeeda Gobolka Gedo,kuwaasi oo ku kala nool dalka gudahiisa iyo Dibadiisa.

Dr.Axmed Xuseen Daahir(Sandheere) oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Gedo International University oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wareysi uu siiyey Agaasimaha Radio Markabley ayaa waxaa uu sheegay ujeedada Jaamacadda loo dhisey inay la xariirto Sare u qaadida Aqoonta iyo Baahida Xaga Waxbarashada.

“Jaamacadda Gedo International University waxay ka kooban tahay shan kuliyadood oo kale duwan,Tirada Ardeyda Wax ka barata Jaamacadda waxaa ay gaarayaan in ka badan ilaa 300 oo Ardey ah,muddo 4 sanno ahna waxaa ka Qalin jebiyey kuliyadaha kale duwan ee Jaamacadda laa 4 dufcadood sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Jaamacadda Gedo.

Qaar ka mid ah Ardeyda ka qalinjebisay Jaamacadda Gedo ayuu sheegay in ay hadda diyaarinayan Mestar Degrii ,waxuuna tilmaamay Jaamacadda inay Aqoonsi ka haysato DFee Soomaaliya,,Jubaland iyo Hay”addo iyo weliba Ururo Caalami ah oo daneeya Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA JAAMACADDA GEDO