Cabdiweli Gaas: Madaxweyne Xasan Sheikh waa inuu u tagaa reer Hiiraan oo ka dhegaystaa cabashadooda

5

Raysal wasaarihii hore Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Dowladda federalka Soomaaliya in ay wax ka qabto tabashada ay reer Hiiraan.

Wareysi uu bixiyay Cabdiweli Gaas ayuu ku sheegay in  madaxweyne Xasan Sheikh looga baahan yahay inuu u tago reer Hiiraan kana dhegaysto doodda ay qabaan.

“Maanta dowldnimada waa Fragile (Nugushahay), qabiil kastana Veto Power ayuu leeyahay. Marka waxaa loo baahan yahay in dadkaasi lasoo dhoweeyo oo la yiraahdo muxuu yahay Concernkiina,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh oo hadda ku sugan magaalada Dhuusomareeb in ay u fududahay inuu tago magaalada Baladweyne lana kulmo Cali Jeyte.

“Waa maxay Problem-ka ku jira haddii madaxweyne Xasan Sheikh uu u tago Cali Jeyte, kuna dhaho, “Abti muxuu yahay problem-kaagu. Cali hadduu xujo ka dhigay tegitaanka Muqdisho, waxaa la rabaa in madaxweynuhu xujadaas furo oo u tago Cali Jeyte” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Raysal wasaarihii hore wuxuu sheegay in reer hiiraan ay dulmi ka tabanayaan nidaamka awood qeybsiga maamulka Hirshabeelle.