“Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta, ciidankan soo goostay sidaas ayay leeyihiin” mid kamid ah ayaa sida yidhi.
Dhawaan ayay dad hubaysan oo is urursaday ay jabhad kaga dhawaaqeen buurta Gacan-libaax iyaga oo hanjabaad u diray madaxweynaha, waxayna dagaal la galeen ciidamada RRU oo dhawaan halka la geeyey.
Kadib jabhada buurta Gacan-libaax sidookale koox kale oo hubaysan oo ka kooban dad shacab ah, ayaa iyaguna jabhad kale kaga dhawaaqay gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in ay mataano la yihiin jabhada buurta Gacan-libaax.
Waxa socda dadaalo la doonayo in hubka lagaga dhigo kooxahan hubaysan, iyada oo odayaasha dhaqanka iyo xubnaha baarlamaanku ay sheegeen in ay ka hawlgalayaan dajinta xaalada.